<< October 2017 >>
Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat
01 02 03 04 05 06 07
08 09 10 11 12 13 14
15 16 17 18 19 20 21
22 23 24 25 26 27 28
29 30 31

Contact Me

If you want to be updated on this weblog Enter your email here:

Blogdrive

Dec 7, 2003
Axaadle Newspaper

SOMALILAND NEWS NETWORK "SNN".

Message

<< December 2003 >>
Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat
1 2 3 4 5 6
7 8 9 10 11 12 13
14 15 16 17 18 19 20
21 22 23 24 25 26 27
28 29 30 31

SOMALILAND NEWS NETWORK "SNN".

Contact Me

If you want to be updated on this weblog Enter your email here:

Sunday, December 07, 2003
MADAXWEYNE RAYAALE OO JAWAAB KULUL KA BIXIYAY GO’AAN CABDILLAAHI YUUSUF GOBOLO UGU MAGACAABAY DHUL SOMALILAND KA TIRSAN.

Hargeysa,Dec.7th,2003(SNN).

"Waxa uu Madaxweynuhu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay u diyaar garobaan Daafaca dalkooda" Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa jawaab kulul ka bixiyay go’aan uu maamul goboleedka Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee Puntland gobolo ugu magacaabay degmooyinka Badhan ee Somaliland iyo degmada Qardho.

Sidaa waxa caddeeyay Warsaxaafadeed saaka 10:00 subaxnimo ee Saacadda Hargeysa uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdi Idiris Ducaale, oo daba socday Warar saaka ku soo baxay qaar ka mid ah Saxaafadda Somaliland oo iyaga oo soo xiganayay shabakadaha Wararka ee Puntland sheegay in maamul goboleedka Puntland uu sheegay inuu laba gobol uu ku kordhiyay goboladiisa. Go’aankaas oo ay Saxaafaddu sheegtay inuu uu hoggaamiyaha Puntland ku soo xadgubay dhulkii Somaliland mar kale, ka dib markii uu go’aansaday inuu dhul ka mid ah Somaliland u mgacaabo gobolo cusub.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ku Wargeliyay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisaba inaanay Xukuumadda Somaliland cidna uga habran doonin difaaca xuduudaheeda Caalamiga ah.

Waxa kale oo sida uu Warsaxaafadeedku sheegay Madaxweynuhu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay u diyaar garoobaan Difaaca dalkooda.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Mr. Cabdi Idiri Ducaale, isaga oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sinda:

“Xukuumadda Somaliland cidna ugama habran doonto ilaalinta jiritaanka Qaranimadeeda iyo difaaa Xuduudeeda Caalamiga ah, ciddii ku soo xad gudubtana iyadaa dusha ku qaadi doonta masuuliyadda wixii ka yimaada.

Sidaasi waxa uu kaga jawaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, magacaabid gobol iyo degmo ka soo yeedhay maamulka Cabdillaahi Yuusuf.

Md. Rayaale waxa uu yidhi, “Sheegashada Cabdillaahi Yuusuf ee dhul ka mid ah Somaliland, Borobogaandada iyo fara gelinta uu ku hayo Somaliland waxa uu ku qarinayaa dhibaatooyinka ka haysta qoyskiisa iyo falalkiisa argagixisnimo ee uu ku caan baxay, hase ahaatee buu yidhi Madaxweynuhu dhulka Somaliland ma noqon doono meel uu qof sheegto wixii faragelintaa Cabdillaahi Yuusuf ka yimaadana masuuliyadeeda isaga ayaa dusha u ridan doona.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in xukuumadda Somaliland ay wax badan uga dulqaadatay faragelinta uu ku hayo gobolo ka mid ah Somaliland iyada oo tixgelinaysa nabad gelyada dadka ay jiiraanka yihiin iyo in aanay u suurto gelin fidnada colaadeed ee uu ka wado gobolka, waxayse u muuqataa inaanu Cabdillaahi dan ka lahayn nabadgelyada dadkiisa iyo xasiloonida jiiraankiisa, sidaas awgeed, waxaan Cabdillaahi Yuusuf uga digaynaa Caalamkana u cadaynaynaa in aanay Xukuumadda Somaliland cidna uga habran doonin difaaca Xuduudaheeda Caalamiga ah, wixii hal taako ku soo xad gudbana ay talaabada ku haboon ka qaadi doonto, wixii arrintaasi ka yimaadana masuul ay ka noqon doonto ciddii soo xad gudubtay.

Waxa uu Madaxweynuhu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay u diyaar garobaan Daafaca dalkooda”

SNN Correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)
Rambo@somalilandnews.com

Posted at 04:04 am by SNN reporter RAMBO
Comments (2)

Saturday, December 06, 2003
TALIYIHII HORE EE BOLIISKA SOMALILAND OO KU GEERIYOODAY SHIL BAABUUR

Hargeysa,Dec.6th,2003(SNN)-
Inaa Lilaahu Wa-inaa Ileyhu Raajicuun.

Taliyihii Hore ee Ciidanka Boliiska Somaliland Col. Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen Dheere), ayaa maanta ku geeriyooday shil Baabuur.

Marxuum Xuseen Dheere, waxa uu shilku la kulmay isaga oo u sii jeeday dhinaca magaalada Berbera, isaga oo Marxuumku xilligaas watay gaadhi uu leeyahay oo ah nooca loo yaqaan TAXI MARKII, kaas oo jidka kula dhacay.Marxuumka Maydkiisa waxa la keenay magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa in lagu aaso beri Xabaalaha Qaranka Hargeysa.

Mar aanu la xidhiidhnay Ciidanka Taraafikada Somaliland, waxa ay noo sheegeen in sababtii shilkaasi u dhacay la baadhayo.Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay. Marxuum Xuseen Dheere, waxa uu ifka kaga tagay Saddex Xaas ah iyo Saddex iyo toban Carruur ah.

Shilalka Baabuurta ee ka dhacaya Somaliland ayaa aad u tiro batay mudooyinkan danbe iyadoo sababna looga dhigayo Xaaladda Wadooyinka oo aan wanaagsaneyn oo u baahan in loo eego si gaara waxna laga qabto.

Marxuumka Alle ha u naxariisto..Samir iyo iimaana ha ka siiyo Ehelkii,Awsxaabtii iyo guud ahaanba Shacbiga Somaliland Aamiin..Aamiin.

SNN Correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)
Rambo@somalilandnews.com

Posted at 01:29 pm by SNN reporter RAMBO
Make a comment

Thursday, December 04, 2003
HAWEEN KA TIRSAN HOOYOOYINKA AGOOMIHII SNM OO ISU SOO BAX CABASHO AH SAMEEYAY

Hargeysa,Dec.4th, 2003(SNN)

Haween ka tirsan Hooyooyinka Agoomaha Mujaahidiintii Ururka SNM ee ku shahiiday Dagaaladii halganka dib u xorraynta dalka, ayaa maanta isu soo bax ballaadhan oo ay kaga cabanayeen in la dayacay daryeelkii iyaga iyo ubadkooda, ayaa Saaka Subax ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Isu soo baxa Haweenka Agoomaha ah waxa ujeedadu ahayd in ay Cabashadooda u sheegtaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, haseyeeshee isu soo baxaasi, waxa uu ku dambeeyay Rabshad iyo buuq ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Md.Ismaaciil Aadan Cismaan uu haweenkaas ku qaabilay Barxadda Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha horteeda uu halkaa uga jeediyay hadalo aanay jeclaysan haweenkii Agoomaha ahaa, kuwaas o si weyn uga cadhooday Hadalada Wasiirka, kadibna bilaabay buuq iyo Barroor, qaarkoodna isku dayay inay dhagaxaan ku shiidaan Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ciidamo Boolis ah oo loo dalbaday ayaa markii dambe kala dareeriyay haweenkaas Agoomaha SNM ee mudaharaadayay oo tiradoodu boqol ku dhawayd. Hase yeeshee sida ay dad goob joog ahaa u sheegeen SNN, Askartu markii ay kala dareerinayeen isu soo baxa haweenka Agoomaha ah ee cadhaysan, waxa ay ula dhaqmeen si naxariis darro ah iyaga oo gacanta ula tagay qaar kamid ahna nabarro gaadhsiiyay.

Qaar ka mid ah haweenkaasi ayaa Booliisku xidhay, haseyeeshee wakhti yar kadib waa la sii daayay.

Khadiija Cumar Muxumed iyo Ardo Rooble Jaamac oo u hadlay Haweenkaa Agoomaha SNM waxa ay sheegeen in isu soo baxooda ay ku tageen Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ka dambeeyay ballanqaad hore oo Wasiirka Arrimaha Guduhu kula ballamay haweenkaa agoomaha ah, inay Wasaaradda yimaadaan Maalinta Khamiista oo Maanta ahayd si ay cabashadooda ugu gudbiyaan Wasiirka. "haseyeeshee Maanta markii Wasiirku yimid Xafiiskiisa Abaaro 9:30 subaxnimo, ayaanu ku soo xoonay afaafka hore ee Wasiirka annaga oo Wasiirka ka sugaynay ballantii hore uu noogu qabtay balse wasiirku markii uu dibadda noogu soo baxay iyaga oo wejigiisu cadhaysan yahay waxa nagaga soo baxay wax aanaan filayn.

Intuu si xun noola hadlay ayuu yidhi ‘SNM wakhtigeedii wuu dhammaaday, habar goblantayna looma baahna. Carruurta aad leedihiin rag SNM ah ayaa ka dhintay oo waa Agoomo, midka u yari maanta waa 14 jir ee waa dadweynaaday, sidaa daraadeed ma jiraan wax Agoomo ahi ee orda meesha iskaga dareera." Sidaa waxa tidhi khadiija Cumar Muxumed oo ka cabanaysay nabaro ay sheegtay Askartii loo dalbaday inay kala dareeriyaaan haweenkaas.

Ardo Rooble Jaamac, oo ka hadlaysay dhibaatooyinka ay ku cabanayeen haweenka Agoomaha SNM, waxay sheegtay in laga soo bilaabo dib u xorrayntii dalka ee Sannadkii 1991, in aan haba yaraatee wax daryeel iyo wax u qabasho ah toona aan la siin carruurtii iyo hooyooyinkii ay ka tageen Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii dalka lagu xorreeyay isla markaana ay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland oomid walba ballanqaaday inay wax u qaban doonto Agoomaha ay iska iloobeen ballan qaadkoodii. Sidoo kale waxa ay haweenku ka cawdeen jimciyayadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, oo iyadu u xilsaarnayd diiwaangelinta iyo tirakoobka Agoomaha SNM, kaas oo ay sheegeen in aanay waxba u qaban hawshii ay ka filayeen ee ahayd diiwaangelinta, ururinta iyo u doodista Agoomaha dhibaataysan ee ay Mujaahidiintii SNM ee shahiiday ay ka tageen.

"Muddo shan bilood ah ayaanu cabashadayada kula noqnoqonaynay Xafiiska Madaxtooyada annaga oo ka cabanaynay Xafiiska Sooyaal iyo dhibaatooyinka naga haysta, ugu dambayntii Madaxtooyadu waxay noosoo gudbisay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay sheegeen inuu wax ka qaban doono. Wasiirkii la noo soo gudbiayay ee aanu islahayn Arrintayada waxbuu ka qaban waxa nagaga yimid wax aanan ka filayn, sidaa daraadeed silicayaga iyo darxumadayda cid aanu kula ciirsano garan mayno." Sidaa waxa tidhi Ardo Rooble Jaamac.

SNN Correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)
Rambo@Somalilandnews.com

FIIRO GAAR AH.
Akhristow haddii aad jeceshahay inaad ka

faalooto wararka aanu idiin soo gudbino, waxaad ogaataan inaad War kasta xagiisa hoose aad ku qori kartaan Fikradiina iyo sidey idinla tahayba fikrad caafimaad qabta oo aan turxaan lahayn. Waxaad ku qori kartaa oo aad riixdaa halka hoose ee ay ku Qoran tahay MAKE A COMMENT.

Waad Mahadsan tihiin.
Bahda SNN.

Posted at 02:21 pm by SNN reporter RAMBO
Comments (10)

Tuesday, December 02, 2003
WASIIRUL DAAKHILIGA SOMALILAND OO FAAHFAAHIN KA BIXIYAY HAWL GAL CIIDAMADA BOOLISKU KU QABQABTEEN DAD LOOGA SHAKI QABO JABHADDA ONLF.

Hargeysa,Dec.12th,2003 (SNN)-

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalo baadhis ah oo Ciidanka Boolisku ka fuliyey Magaalada Hargeysa toddobaadkan oo lagu, qabqabtay 36 Nin oo looga shaki qabo in ay ka tirsan yihiin Ururka lagu magacaabo “Jabhadda Xorraynta Ogaadeeniya” (ONLF), ee dagaalka ba’an kagala soo horjeeda dawladda Itoobiya.

Shir jaraa’id oo Saaka, Xafiiskiisa uu ku qabtay Wasiirul Daakhiliga Somaliland Md. Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu ku sheegay in Boolisku ku gudo jiro Baadhis lagu xaqiijinayo Dadka la qabqabtay, taas oo haddii ay ku cadaato in ay ka tirsan yihiin Jabhada ONLF laga qaadi doono Tallaabo sharci ah.

Wasiirku waxa uu sheegay sababta ay Xukuumaddu isha gaarka ah ay u saartay qab-qabashada dad ka tirsan ONLF in ay tahay iyada oo ka hortagaysa in Fallal waxyeelo ah dalkan Somaliland gudihiisa lagaga qaado Dallalka Deriska la ah Somaliland oo ay Itoobiya ka mid tahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan waxa kale oo uu shirka Jaraa’id ka sheegay in Xukuumadda Somaliland ay muddo dheeraad ah oo Bil ah ugu kordhisay wakhtigii ay u qabatay in ay dalka kaga baxaan dadka aan u dhalan Somaliland ee aan haysan sharci joogitaan iyada oo muddadii hore loogu cayimay dadkaasi ay ku egtahay 8-da Bishan December.

Su'aalaha Shirka Jaraa’id ay Suxufiyiintii ka qayb gashay Wasiirku ku weydiiyeen waxa ay u dhaceen sedan:

Su'aal Saxaafadda: Wasiir waxa aad noo iftiimisaa dadkan la qabqabtay ee Jabhadda loo tirinayo ONLF.?
Jawaab Wasiirka: beryahan dambe waxa jira dareeno in aanu adkaynay Nabadgelyada dadka soo galaya Kaantaroolada, Dadka ka baxaya iyo Dadk aan u dhalan, dadkaasi oo lagu tuhunsan yahay oo loo tirinayo Jabhadda ONLF oo la dagaalanta Itoobiya. Markaa hawlgaladii Boolisku ay ku qabteen Dad Tiradoodu dhan tahay 36 Qof in Boolisku gacanta ku hayo Baadhitaana ay ku jiraan sidii loo xaqiijin lahaa in ay ka mid yihiin Jabhadda ONLF laakiin, waa la tuhunsan yahay oo Booliskuna ilaa hadda gacanta uu ku hayo.

Su'aal Saxaafadda: : Qollada Jabhadda ah ee aad sheegtay ee ONLF sidee bay Nabadgelyada Somaliland ugu yeesheen Saamayn?
Jawaab Wasiirka: Waxa ay Nabadgelyada ugu yeelanayaan weli baadhitaankii ayaa gacanta lagu hayaa, kol haddii ay caddaato in ay Jabhad yihiin waad garan kartaa waxa ay ku yeelanayaan Saamayn dalkeena gudihiisa. Waxa ay saamayn ku yeelanayaan Dawladdaha aynu jaarka nahay sida Itoobiya oo kale waayo waxa ay noqonayaan dee cadow kaga soo duulaya ama u jooga oo u degan dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, Hargeysa ama meelaha kale ee la midka ah. dabadeed, waxyeelo u geysanaya Somaliland ayay noqonayaan marka ay ku caddaato dad ONLF ah baadhitaankii, baadhitaankii waa wax jira oo gacanta lagu hayo markaa waxa weeye inaga iyo Itoobiya, waxa inaga dhaxeeyaa Xidhiidh wanaagsan dadkeenu labada dhinac way ku nool yihiin oo way deggen yihiin markaa waa in si Caadi ah ay u noqoto dad Wallaalo ah markaa marnaba Dawladda Somaliland raali kama aha cid kasta oo cadow u ah dawladdaha aynu jaarka nahay oo kaga duusha ama ka qaada fal argagiiso ah ama fal dagaal kaga qaada Dawladaha aynu jaarka nahay markaa sidaasi ayay u keeni kartaa dhibaato farobadan oo xaga nabadgelyada ah markaa dadkaasi waa rag dhalinyaro u badan. Baadhitaana way ku jiraan haddii ay ku caddaato Jabhadnimadaasi waxay noqonaysaa in lagu qaado Tallaabo sharci ah.

Su'aal Saxaafadda: : markaa miyaad tuhunsan tihiin waxa dadka loo xidhay mise baadhitaan dhab ah ayaad ku xaqiijiseen in ay ka tirsan yihiin ONLF?
Jawaab Wasiirka: Dee Runtii Tuhumo farobadan oo sida aan sheegayo wuu jiraa laakiin kolkaa waxa baadhitaanku ku jira lagama hordhaco waanay iska iman waxa ay yihiin kolka Baadhitaanku dhammaado.

Su'aal Saxaafadda: : Haddii ay soo baxdo Dadkaasi in ay yihiin dad ONLF ka tirsan waa maxay Tallaabada aad qaadaysaan?
Jawaab Wasiirka: Kollay waxa ay noqonaysaa Wax Sharciga inoo horyaala la horkeeno wada tashina kollay waa laga yeelan doonaa Dawladda Itoobiya waxa laga yeelayo, laakiin Sharciga inoo yaala ayaa la marin doonaa.

Su'aal Saxaafadda: : Wasiir Hawgalada uu Boolisku ku qabqabanayay dadka aad sheegtay in ay ka tirsan yihiin ONLF waxay saamayn ku yeelatay Soomaalida Killilka Shanaad inooga timaada oo Magaalada Hargeysa Baayac Mushtar ugu timaada, sideed u kala duwaysaan in ay diidmo ka qabaan Hawsha qabqabashada?
Jawaab Wasiirka: Runtii waa la kala duwayaa dadka Killilka Shanaaad ku nool, waa dad aynu dhaqan iyo diin iyo wallaaltinimo aynu wadaagno intaba. Waa dad dalkeena iyo dadkeenu isku mid yahay waa Dad aynaan marnaba wax cadow ah u arkayn, inagu xaggaas waynu ku nool nahay xaggana waynu ku nool nahay waa dad aynu jecel nahay in had iyo jeer lagula dhaqmo si nabadgelyo ah waanaynu soo dhawaynaynaa, mana dhacayso cid fal ay galeen oo ay geysteen ama ay ku jiraan aanay ku caddayn in wax dhibaato ah loo geysto haba yaraatee laga qaado Xoolo iyo wixii lamid ah oo laga soo iibsado ganacsigii u dhaxeeyay dadka Shicibka Killilka Shanaad iyo Innagga sidii hore ayuu u furnaanayaa. Nidaam iyo xeerar waanu u samaynaynaa sidii awal dhaqanku ahaan jiray ee maaha in aanu annagu goynayno oo loo arko in dawladda Somaliland samaynayso cadaawad ee waxa la ilaalinayaa wixii wax xumaynaya ama cid wax yeelaya taas oo labada dawladood ay iskaga horiman karaan arrimaha noocaas oo kale ah.

Su'aal Saxaafadda: : Sidee ayaad u kala caddayn karaysaa cidda Target-ka idiin ah si Boolisku u kala saaro, cidda Target-ka idiin ah iyo Cidda kale ee aan dembiga lahayn?
Jawaab Wasiirka: Taasi runtii waa cid Aqoon u leh cidda gacanta ku haysa sida loo baadho Dunuubta dhacda dib baana loo baadhayaa, waxaanay noqon doontaa in wax cad la horkeeno sharciga ee marnaba lama horkeeni karo wax tuhun ah iyo wax humaag ku jiro.

Su'aal Saxaafadda: : Hawlgalkan aad sheegtay iyo Go’aankii hore waxa aad moodaa in arrintani ay dadkii iska dhex gashay oo la leeyahay dadka ayaa loo qabqabanayaa miyaydaan kala qeexin taas oo kale?
Jawaab Wasiirka: Runtii waanu kala qeexnay oo Joornaalada waanu ku qornay imikana mar labaad ayaanu ku celinaynaa, waxa weeye dadka wixii camal la’aan ku jooga loona arko in ay Duruufo dhaqaale ku keenayso ama loo arko Shaqooyinka hoose in ay dadka Muwaadiniinta ah ku cidhiidhi gelinayaan ama Dariiqyada dadka taagan ee ka dawarsanaya ayaanu ugu talogalay in cid walba lagu celiyo meelihii ay ka yimaadeen, sida Soomaaliya iyo Itoobiya. Dadka la celinayaana waa dadka bilaa Camalka ah ee laga baqanayo in ay Nabadgelyo darro ay keenaan. Dadka aanu ku dhawaaqnayna waa dadkaasi ee Qaxootiyadda u yimid iyo dadka aan Sharciga lahayn markaa waa in la oggaadaa cida dalka soo gashay tiradooda hadday Baasaboor ku soo galeen ama ay yihiin dad aynu inagu sharci siinay oo Wakiilo leh reer Somaliland ah.

Su'aal Saxaafadda: : Dadka Baayacmushtarka ah ee aan reer Somaliland ahayn ee dalkeena ku sugan maxaad ka yeelaysaan?
Jawaab Wasiirka: Dadkaasi ama Koofur ha ka yimaadaan ama Itoobiya ha ka yimaadaane, haddii uu Ganacsigoodu yahay mid la taaban karo waxay samaysanayaan Wakiilo reer Somaliland ah, waana loo oggolaanayaa in ay Deggenaadaan Dalka kana ganacsadaaan Somaliland.

Su'aal Saxaafadda: : Dadka halkan laga saaro waxa ay saamayn ku yeelanayaan dadka reer Somaliland ee ku nool Wadamada Deriska aynu nahay in Hantidooda waxyeelo ka soo gaadho, markaa Dawlad ahaan Siyaasaddiina amuurtaasi ku saabsan waa maxay?
Jawaab Wasiirka: Runtii nin kasta oo reer Somaliland ahi si aanay waxba ugu iman waxaanu jecelahay in sharci uu ku joogo Dalka uu deggen yahay sida aanu ugu dhawaaqnay in dadka Ajanabiga ahi ay sharci yeeshaan waa in dadka reer Somaliland ay raacaan Shuruucda Dalka kale ee ay deggan yihiin.

SNN correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)
Rambo@somalilandnews.com

Posted at 01:38 pm by SNN reporter RAMBO
Comments (1)

Monday, December 01, 2003
MADAXWEYNE RAYAALE OO XILKII KA QAADAY TALIYIHII IYO ABAANDULIHIII CIIDANKA QARANKA SOMALILAND

Hargeysa,Dec,2nd,2003(SNN)-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Qaranka Somaliland Col. Cabdi Samad Xaaji Cabdillaahi iyo Abaanduulihii Ciidanka Qaranka.

Sida uu sheegay Warsaxaafadda loogu tallo galay oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu Madaxweynuhu xilkaas ciidanka Qaranka ku magacaabay Col. Nuux Ismaaciil Taani, oo ka mid ahaa Saraakiisha Sar Sare ee Cidanka Qaranka Somaliland, sidoo kale sida uu xusay Warsaxaafadeedku Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulaha Ciidanka Qaranka u magacaabay Mr. Ibraahim Caydiid Dhab-Dhable.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Somaliland, ma xusin sababta uu Madaxweynuhu masuuliyiintaasi xilka uga qaaday, balse waxa uu faray inay xilka ula kala wareegaan si niyad ah oo dhaqso ah. Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Co. Cabdisamad u magacaabay inuu noqdo la taliyihiisa labaad ee dhinaca Ciidamada Somaliland.

--------------------------------------------------------------------------------

BAAQ KA SOO BAXAY XAFIISKA XIDHIIDHIYAHA XUKUUMADDA SOMALILAND IYO JAALIYADAHA QURBAHA..

London Dec.2nd,2003(SNN)-

Guddoomiyaha Xidhiidhinta Jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha ayaa jaaliyadaha dibadda ka codsaday inay gacan ka gaystaan abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Sida uu sheegay baaq uu soo saaray guddoomiyaha ururkaasi Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, waxa uu jaaliyadaha xasuusiyay inay dalka abaaraha ka jiraa marayaan meel halis ah.

Baaqaas uu guddoomiyuhu soo saaray oo uu u soo diray SNN, waxa uu isaga oo dhammaystiran u qornaa sidan:-

“Waxaanu ka codsanaynaa Jaaliyadaha Somaliland ee Dalalka Yurub iyo Dibadaha in ay Gacan Samafal ah ka geestaan sidii ay u gar gaari lahaayeen dadkaa Walaalahood ee ay Abaaruhu ku habsadeen

Iminkana abaarahaasi waxay marayaan mar xalad halis ah, iyadoo sida wararku inagu soo gaadhayaan ay Boqolkiiba Todobaatan ay Xoolihii Dhinteen dadkiina ay qar qarka u saaran yihiin in ay Macaluul u Dhintaan.

Hadaba waxaa inagu waajib ah in xag diineed, xag wadanimo iyo xag bani aadanimoahba in aan loo kala hadhin sidii loo badbaadin lahaa Walaalaheenaa Tabaalaysan.

Markaa mar labaad waxaanu idinka codsanaynaa in aad Deeqihiina si deg deg ugu dirtaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha ee uu Madaxdda ka yahay Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Ahmed Yuusuf Yasin iyo ururadda samafalka ee Somaliland sida Ururka Somaliland Humaniterian Agency oo marka la soo gaabshana loo yaqaan (SOHA) LONDON UK.”

SNN correspondent Hargeysa Somaliland

Mohamed H. Joma (Rambo)

Rambo@somalilandnews.com

Posted at 02:42 pm by SNN reporter RAMBO
Make a comment

Sunday, November 30, 2003
KULAN KAALMO LOOGU URURINAYAY DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN OO DHEX MARAY MADAXWEYNE RAYAALE IYO GANACSATADA DALKA.

Hargeysa,Nov.30th 2003(SNN)-
Kulan Qaadhaan loogu ururinayo Dadka ay Saameeyeen Abaaraha gobolada bari ee Somaliland, oo uu Madaxweyne Rayaale dalbaday inuu kula kulmo Ganacsatada waaweyn ee dalka ayaa saaka ku qabsoomay Hoolka Shirarka ee Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in ganacsatadu gacan ka gaystaan gurmadka Abaaraha ku habsaday gobolada bari ee dalka, waxa ka soo qayb galay ugu yaraan Labaatan ganacsato heerar kala duwan ah, Culima-u-diin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Madaxweynaha, Madaxweyne-kuxigeenka iyo xubno wasiirro ah, waxaana ay ganacsatada kulanka lagu martiqaaday ay halkaa kaga yabooheen Adduun gaadhaya $50,000, oo isugu jira Lacag, Shidaal iyo Raashin.

Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, waxa aan ka soo daahirin ganacstada waaweyn ee dalka inkasta oo ay Wakiilo soo dirteen, balse waxa isagu goobtaas joogay Axmed Faarax Xarbi oo isagoo ka wakiil ah shirkaddooda AL-XARBI Trading co. ku deeqay $10,000 (Toban kun oo doolar) oo ka mid ah qaadhaankaas, sidoo kale waxa iyana lacago ku yaboohay Mr. Cabdkariim Maxamed Iiid, oo ka socday Shirkadda Telefoonada ee TELESOM, oo ku yaboohay $2000, Mr. Khadar Bayle, oo ka socday Shirkadda Diyaaradaha ee Damal Airline, oo isna ku yaboohay Saddex Tan oo Raashin ah, Shirkadda Red Sea oo ku deeqday iyana $2000, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale oo sheegay inuu ku deeqay 4004 Ton oo Raashin uu dhawaan ka dalbaday Dalka Imaaraadka Carabta ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Edna Aden Ismaaciil, oo iyana ku yaboohday Mushaharkeeda bishan iyo ganacsato kale.

Hadal Kooban, oo uu halkaa ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wuxuu ku bilaabay, “Ugu horeyn Ganacsadayaal, waxaan idiinka mahad naqayaa sida aad shirkan uga soo qayb gasheen iyo sidaad u Ajiibteen codsigayagii. Waxaynu halkan isugu nimid waa wax weyn run ahaan, oo ummad innaga mid ah oo ay dhibaato haysato ayaynu u gurmanaynaa. Ninkastaba awoodiisa wixii uu heli karayo waa inuu guddiga Abaaraha loo dhiibo. Markaa ganacsatadiinu waa inaad inaad guddi iska dhex samaysaan oo wixii aad bixin karaysaan si deg deg ah u bixisaan. Aakhirana Xasanaad ayaad ka helaysaan ifkana magac iyo ummadeenii oo aad u gargaarteen.”

Waxa iyana halkaa hadalo guubaabo ka jeediyay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe), oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, isla markaana ka mid ah odayaasha sida weyn looga qadariyo dalka Somaliland, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Edna Aden Ismaaciil.

Ugu dambayn, waxa kulankaa hadalo kaa jeediyay qaar ka mid ah Ganacsatada Somaliland, kuwaas oo Guddiga Abaaraha oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenku ka dalbaday in guddiga xubno lagaga daro ganacsatada.

Kulankan dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada dalka, waxa uu baaqday daabayaaqadii bishii barakaysnayd ee Ramadaan, markaas oo ganacsatada intooda badani ay ka soo xaadiri waayeen kulankaas oo uu Madaxweyne Rayaale dalbaday, balse kulankan saaka intooda badani way ka soo qayb galeen, waxase si weyn loo tabay Mulkiilayaasha Shirkadaha Dahab-Shiil, Daallo Airline, Indho-Deero, Star Airline iyo kuwo kale.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalo Madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolkaasi ay ka curteen Roobab xilliga dayrta, inkasta oo aanay ahayn Roobab aad u waaweyn, haddana dadku aad ayay ugu diirsadeen Raxmadaa Eebe u shubay, maadaama ay ku jireen Surmi kulul.

SNN correspondent Hargeysa Somaliland

Mohamed H. Joma (Rambo)

Rambo@somalilandnews.com

Posted at 10:38 am by SNN reporter RAMBO
Make a comment

MARXUUM CABDIRAXMAAN BAYDAANI OO XALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGEYSA.

Hargeysa,Nov.30th 2003(SNN).
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICUUN !!.

Alle ha u naxariistee Waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Xuseen Baydaani, oo ka mid ahaa golaha Wakiilada Somaliland.

Marxuum Cabdiraxmaan Baydaani, waxa uu xannuunkiisu ahaa mid ku soo boodo ah waxaana haleelay Mawtal Qafle. Shalay casarkii marxuumku wuu nabad qabay.

Marxuum Cabdiraxmaan Baydaani, waxa uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cahdigii uu golahaasi guddoomiyaha ka ahaa Axmed Cabdi Xaabsade oo hadda Wasiir ka ah Maamul goboleedka Puntland.

Marxuumka oo Maanta maydkiisa lagu aasi doono Magaalada Hargeysa, waxa la filayaa inuu ka qayb galo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa tacsi u diray qoyskii, ehelkii asxaabtii iyo ummadii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Baydaani.

Alle ha u naxariisto Marxuumka..Aamiin….Aamin.

SNN Corrrespondent Hargeysa Somaliland

Mohamed H. Joma (Rambo)

Rambo@somalilandnews.com

Posted at 03:43 am by SNN reporter RAMBO
Make a comment

Saturday, November 29, 2003
MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO TABABAR U XIDHAY GARSOORAYAAL SHARCIGA AH.

Hargeysa..Nov.29th,2003(SNN)

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,

ayaa 64 qof oo isugu jira Garsoorayaal, Qareeno, Doodayaal, Saraakiisha Nootaayooyinka iyo Garsoorayaal dadweyne ah shalay u xidhay tababar ku saabsan barashada Shuruucda Garsoorka iyo hay’adaha kaaba ee Somaliland.
Tababarkan oo socday muddo Afar bilood ah, waxa qorshihiisa iyo fulintiisaba iska kaashadda Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Guddoonka Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyahah guud, hay’adda UNDP, Ururada Qareenada Somaliland iyo hay’adda FOBAC, waxa kale oo gacan ka gaysatay hay’adda UNICEF, iyo SCF/USA.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay tababarkaas oo shalay lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Hargeysa, waxa ka qayb galay oo halkaas khubad ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha Samofalka, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Xasan Caafi oo u mahad naqay hay’adaha Gacanta ka gaystay tababarkan. Wasiirku waxa uu sheegay in muddadii uu tababarkani socday mudnaanta koowaad la siiyay barashada Shruucda, waxaanu Carabka ku dhuftay in shuruucda lagu bartay tababarkan ay ka mid yihiin.

-Xeerka Madaniga (Civil law)
-Xeerka Habka Madaniga

-Xeerka Habka Ciqaabta

-Xeerka Badaha iyo kuwo kale

Waxa isna xafladaasi khudbad ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay,.

“Mudanayaal, guud ahaanab dadyawga Adduunku, wuxuu isku raacsanyahay in nabadgelyadu saldhigu u tahay jiritanaka iyo horumarka qofnimo, qoysnimo, bulsho iyo qaranimaba, taas oo ay aasaas u tahay inay jirto Caddalaad baahsan oo guud ahaanba wada gaadha qaybaha bulshada. Waxa socda Barnaamij guud oo heer Caalami ah ku aadan meel marinta sharciga, kaasi oo ay laf dhabar u tahay fahamka qofka caadiga ah ee wax tarka sharciga, garshada dhawritaanka xuquuqdiisa gaar ahaaneed iyo xuquuqda isaga lagu leeyahay.

Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Maanka ku haysa faldambiyeedkii foosha xumaa ee dilka loogu gaystay hawlwadeenadii hay’adaha samafalka ee shisheeye isla markaana, buuxinaysa doorka ay ku leedahay barnaamijka waxa ay u dejiysay siyaasad iyo barnaamij qeexan (Policy and Programme), oo lagu horumarinayo hay’adaha Garsoorka, kuwa kaaba shaqadooda iyo guud ahaanba horumarinta Cadaaladda kuwaas oo mudnaanta hore la siinayo arrimahan soo socda.

1. Dib u habaynta Shuruucda taasi oo loo abuuray guddi sharci yaqaano ah oo hawshoodu tahay ururinta, dib u eegidda, Turjumidda, Faafinta, Kaydinta Shuruucda iyo Waafajinta Shuruucdaas Shareecadda Isaamka iyo Distoorka Dalka.

2. Tayaynta iyo kor u qaadista aqoonta Garsoorayaasha, Xeer ilaaliyayaasha, Qareenada, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Boliiska, Kaaliyayaasha iyo Xirfadlayaasha Qaanuunka (Legal Proffesionals).

3. Tayaynta Goobaha shaqo ee hay’adaha Garsoorka sida Maxkamadaha, Xafiisyada Xeer ilaaliyayaasha, Xabsiyada, Saldhigyada Boliiska, Dugsiyada Dhaqan celinta.

4. Waxa halkiisa laga sii wadayaa barnaamijka fidinta Garsoorka, kaas oo laga abuuri doono dhammaan degmooyinka iyo meelaha aan garsoorku gaadhin Maxkamaddo, Xabsiyo iyo Saldhigyo Boolis.

5. Waxa la diyaarinayaa barnaamijyo lagu ilaalinayo Xuquuqda Carruurta guud ahaan, gaar ahaana kuwa khilaafa sharciga sida Abuurista dugsiyo dhaqan celineed.

6. Sidoo kale, waxa xabsiyada dalka laga hirgelinayaa barnaamijyo dib u bulshayneed oo lagaga hortagayo inay maxaabiistu caadaystaan ku noq noqoshada dambiyada oo ay helaan xirfado ay ku shaqaysan karaan.

7. Waxa la gaadhsiinayaa Caddaaladda qaybaha ugu nugul bulshada, sida dumarka, Maxaabiista iyo Carruurta oo u baahan in Masuuliyad adag la iska saaro ilaalinta Xuquuqdooda.

8. Toosinta qaab maamulka baadhista dambiyada oo xudun u ah caddaaladda haddii aan il gaar ah lagu eegina ay ku qaloocanayso Caddalaadu saldhigyada Booliska.

9. Waxa la tayaynayaa qaab hawleedka Boliiska, Baadhista Dambiyada ee Min xog helidda fal dambiyeed dhacay oo lagu qoray buugga dambiyada (OP) ilaa horgaynta Maxkamadda.

10.Waxa la abuuray barnaamijiyo Wacyigelineed oo ku aadan meel marinta sharciga, nuxurka Xeerarka Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah oo la gaadhsiin doono ilaa heer tuulo dhammaantoodna dhawraya Xuquuqda Aadamaha.

11.Waxa la xoojinayaa Xeer dhaqameedyada lagu xalilo khilaafaadka bulshada dhexdeeda ee aan ka hor imanayn Distoorka, Shareecadda Islaamka iyo Horumarka Cilmiyeedka casriga ah ee Waafaqsan sida dhexdhexaadinta iyo suluxa.

Haddaba, tababaradan oo qayb ka ah siyaasadda iyo barnaamijka dawladda oo ku aadan horumarinta caddaaladda aan hore u soo sheegay, waxa looga baahanyahay dadka tababarkan qaatay inay si wax ku oolnimo ah uga muujiyaan hawlaha adeega bulsho ee ay gacanta ku hayaan aqoontii ay ka korodhsadeen.

Ugu dambayn waxaan u mahad celinayaa hay’adaha Kaalmadda Maraykanka US-AID oo maal gelisay barnaamijka tababarada hay’adda Caddaaladda iyo rugta daraasaadka sharciga ee Jaamacadda Hargeysa (Legal Clinic), waxaanan ugu baaqayaa deeq bixiyayaasha kale inay gacan ka gaystaan barnaamijka hirgelinta sharciga ee ka socda Somaliland”.

SNN Correspondent Hargeysa, Somaliland.

Mohamed H. Joma (Rambo)

Rambo@somalilandnews.com

Posted at 01:26 pm by SNN reporter RAMBO
Make a comment

Thursday, November 27, 2003
LIX KA MID AH MADAX DHAQAMEEDYADA GOBOLKA SOOL OO SABTIDA SOCDAAL KU IMANAYA MAGAALADA HARGEYSA

Laascanood Nov.27th 2003(SNN)-
Lix ka mid ah Madax Dhaqameedyada Beesha Sool, oo uu horkacayo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ayaa la filayaa inay Sabtida Saadambe, haddii Eebe idmo, socdaal garnaqsi ah ku yimaadaan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo wada hadal uga furmayo iyaga iyo Xukuumadda Somaliland.

Garaadadan oo ka soo kicitimaya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa ujeeddada socdalkooda lagu micneeyay mid la xidhiidha sidii xal loogu heli lahaa muruga siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamaya ee u dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Beesha Gobolka Sool.

Sida ay tibaaxayaan Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, lixda Isim ee socdaalka ku imanaya magaalada Hargeysa oo isugu jira Garaado, Suldaano, Ugaasyo, waxa magacyadoodu ay kala yihiin:

1. Garaad CabdiQani Garaad Jaamac
2.Suldaan Siciid
3.Ugaas Cabdillaahi Ciise
4.Garaad Ismaaciil Ducaale
5.Boqor Cabdillaahi Dabagooyo
iyo Garaad kale oo aanaan magaciisa weli helin.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in socdaalkan ay Madax dhaqameedyada reer Sool ku imanayaan magaalada Hargeysa uu ka dambeeyay isfaham iyo wada hadalo xidhiidh ah oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay dhex maray madax dhaqameedyada iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaana lagu wadaa inay Garaadadaasi wada hadalo la yeelan doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Shirguddoonka Golaha Guurtida, Madax dhaqameedyada ku sugan Hargeysa iyo ciddii kale ee ay la kulmi karaanba.

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, oo ka mid ah Madax dhaqameedyada sare ee Beesha Sool, oo weftigaa isagu hoggaaminayo isla markaana ah nin taariikh weyn oo lama ilawaan ah ku leh Somaliland ayaa laba toddobaad ka hor waraysi uu siiyay Wargeyska Jamhuuriya, waxa uu ku sheegay in lix Garaad oo uu ka mid yahay ay socdaal ku imanayaan magaalada Hargeysa bisha Ramadaan marka ay dhammaato, waxaana uu Garaadku tilmaamay in khaladaad dhacay balse loo baahanyhahay in la wada hadlo.

FAAQIDAADA TODDOBAADKA.

HARGEYSA IYO XANTA SIYAASADEED EE TODDOBAADKAN.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada Hargeysa waxa si weyn loogu hadal hayay in Madaxweyne Rayaale, isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku samayn doono golihiisa Wasiirada. Inkasta oo aanu jirin War ka soo bixin dhinaca Madaxtoyada Somaliland oo ku saabsan arrintaas, haddana tibaaxo laga helay ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola madaxtooyada waxa sheegeen in madaxweynuhu soo wado isku shaandhayn iyo xilka qaadas uu ku sameyn doono xubno ka mid ah golahiisa wasiirada.

Dadka Ceeryaanta Siyaasadeed ka cabaa, waxa ay arrintan xil ka qaadista iyo isku shaandhaynta wasiirada sii xaqiiqsadeen, ka dib, markii ay arki waayee maalintii salaasada saladii Ciddul fidriga iyada oo Safka hore ee Masjid Jaamaca Hargeysa aanay Madaxweyne Rayaale kula tukan qaar badan oo ka mid ah Golihiisa Wasiiradu aanay kula tukan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, marka laga reebo wasiirada Madaxtooyada iyo Daakhiliga, iyada oo waayadii hore in badan oo ka mid ah Wasiiradu ay Madaxweynaha sidii hore cadaada u ahayd kula tukan jirey Salaadda Safka hore iyo ka labaadba ee Masjid Jaamaca Hargeysa.

Haddaba, dadkaasi waxay leeyihiin xubnaha uu Madaxweyne Rayaale xilka ka bedeli doono waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Edna Aden Ismaaciil, iyada oo la saadaalinayay marwa Edna in loo magacaabi doono wasiirka Wasaaradda Caafimaadka. Halkeedana loo magacaabi doono Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo hadda ah wasiirka maalliyada, waxa aan isna sheekadda ka maqnay oo la hadal hayaa in ninka hadda ah Wasiirka Daakhiliga Md. Ismaaciil Aadan Cismaan, loo dhiibi doono Wasaaradda Maaliyadda, iyada oo wararkaas la isla dhexmayayaa ay sheegayaan in Md. Ismaaciil-Yare, uu si weyn u quud daraynayo in loo magacaabo xilka wasaarada maaliyada ama wasaarada arrimaha dibada midkood.waxa aan iyana saadaasha ku jirin cidda noqon doonta haddii sheekadani dhabawdo Wasiirul Daakhiliga Somaliland.

Waxa kale oo Dareenadan dadweynaha sii xoojiyay kadib markii uu cxilka iska casilay Wasiirul Dawlahii Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdi Dheere, oo isna Maalintii Ciidda ka horaysay istiqaalad shaqo ka tegis ah u gudbiyey madaxweyne Rayaale,isaga oo sheegay in Iscasilaadiisu ay la xidhiidho arrimo shakhsiyeed oo aanu diirka ka qaadin, laakiin dadka siyaasadda falan qeeyaa waxa ay ku tilmaameen Iscasilaadda Maxamed Cabdi Dheere, in ay dabadda ku hayso tabasho siyaasadeed oo masuulka la soo gudboonaatay intii uu xika hayey .

Waxana la sheegay in Maxamed Cabdi Dheere, hore isugu dhigay inuu yahay ninka keliya ee Madaxweyne Rayaale u igman karo hawlaha diblomaasiyadeed oo dalka dibadiisa ah, maadaama uu ka mid ahaa Weftigii Madaxweyne Rayaale ku weheliyay socdaalkii uu dhawaan ku tagay dalka Jabuuti. Balse Wasiirku waxa uu Candhuuftiisa dib u liqay ayaa la leeyahay ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale, hawlo dhinaca diblomaasiyadeed dalka Jabuuti ugu dirtay Ambassador Xuseen Cali Ducaale, kuwaas oo aan ilaa hadda xukuumadda Somaliland shaacin sababta loo diray mr, Cawil, balse, lagu xidhiidhinayo inay tahay hawlo diblomaasiyadeed oo Madaxweynuhu u igmaday Wasiirkiisa Maaliyadda. Arrintaas oo la sheegay inaanay u cuntamin Maxamed Cabdi Dheere, taas oo sababatay inaanay isku calool xaadhnaan Madaxweyne Rayaale, waxaana la leeyahay Maxamed Cabdi Dheere, waxa uu dareemay in waran ku soo socdo, sidaas daraadeed waxa uu ka door biday Xiniinyo.

Inkasta oo dadka Siyaasadda Taxliiqda ku sameeyaa ay ku kala aragti duwanyihiin go’aankan shaqo ka tegista ah ee Maxamed Cabdi Dheere, haddana dadku waxay qabaan laba aragtiyood oo kala duwan. Dadka siyaasadda Wasiirka Taageera ayaa aaminsan in jidkan uu qaaday uu yahay kii keliya ee u bannaanaa ee uu ku badbaadin kari lahaa sumcadiisa siyaasadeed. Haseyeeshee kuwa ka soo horjeedda ayaa aaminsan in go’aankan uu qaatay Wasiirku ay tahay fikrad qaldan oo uu iska dhaadhiciyay. Waxa ay aaminsanyihiin in Ambassador Cawil uu kaga aqoon iyo khibrad badan yahay Maxamed Cabdi Dheere diblomaasiyadda Bariga Afrika, ayna tahay xaq darro in Maxamed Cabdi Dheere cidla ka cadhoodo.

Sheekoyinkan ku saabsan isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista wasiirada, waxa gacan uur ku jirta ah sida Edna Aadan Dhakhtar, u aqbali doonto inay qaatadato xilka Wasiirka Caafimaad ee la hadal hayo in loo magacaabo, inkasta oo la sii saadalin karayn go’aanka ay Edna Qaadan doonto, haddana marka aynu yara milicsano shirkii jaraa’id ee u dambeeyay ee ay Edna ku beenisay inay is casilayso, waxa ay ku sheegtay inaanay is casili doonin ee ay Qaranka ugu shaqayn doonto xil kasta oo loo magacaabo, balse waynu eegi doonaa go’aankeeda ay qaadato.

Waxa iyana arrin dareenkeeda leh ah haddii Madaxweyne Rayaale g’aansado inuu Ismaaciil Aadan Cismaan u magaacaabo Wasiirka Arrimaha Dibadda ama Maaliyadda iyo aragtiyaha laga bixiyo. Sidoo kale waxa iyana arrin xiiso leh kuwa siyaasadda ku nool u noqon doonta haddii uu Madaxweynuhu Arrimaha dibadda u magaacaabo Ambassador Cawil. Iyada oo ay haddaba dood taas la xidhiidhaa ka taagantahay socdaalka uu hadda Wasiirka Maaliyadu ku joogo dalka Jabuuti.

Dadka qaarkii ayaa aaminsan in Madaxweyne Rayaale,haddii uu go’aansado inuu Ambassador Cawil u igmado siyaasadda dibaddu ay tahay arrin hor leh oo cusub, taas oo arrinta ka dhigaysa Ninka loo Gol leeyahoow ha is gaabinee is garo. Waxa kale oo iyana jira dad kale oo aaminsan in aan Madaxweyne Rayaale, u igman Ambaasadoor Cawil,hawlo diblomaasiyadeed balse Wasiirku dalkaasi u tagay sidii uu u qaban qaabin lahaa kulan dhex mara xubno ka tiran Wasiirada labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.

Iyada oo ay dadkani sheegayaan in Maadaama aanay Marwo Edna ka mid ahayn weftigii Madaxweynaha ku weheliyay socdaalkii Jabuuti ay qurux badan tahay inaanay dhexda kaga dhicin sidii Daadkii Xaabaale balse arrintu ku qurux badan tahay in Cawil oo weftigaa ka mid ahaa hawshaa loo xilsaaro maadaama uu wax badan xogogaal u ahaa.

Si kastaba ha ahaatee wararkan bushada reer Hargeysa isla dhex huunbaalaynayso ayaa ah kuwo aan hubaantidoodu cadayn, inkastoo, mafrishyada siyaasadda lagu kala hufo si weyn la isugu jiibinayay, haddana waxa meesha taal su’aal ah; Madaxweyne Rayaale, xilligan ma ku dhiiran doonaa inuu isbedel iyo xil ka qaadis hor leh ku sameeyo Saaxiibadiisa uu soo xushay ee ka tirsan golaha xukuumaddiisa cusub?.haddii uuse ku dhiirado saamaeyn intee le’eg bay ku keeni karaysaa geedi socodka maamulka xukuumadiisa.

Sida daraadeed haddii Madaxweyne Rayaale, isbedel ku sameeyo wakhtigan xaadirka ah golihiisa Wasiiradda waxa laga yaabaa in uu waayo cid ka difaacda xasaradaha, iyo cambaaraynaha kulul ee ay la daba taagan yihiin marwalba xisbiyadda siyaasada ee Mucaaridka ku ah maamulkiisa, gaar ahaan Wasaaradda Daakhiliga oo uu xilkeeda hadda hayo ninka ugu afka dhiiran wasiiradiisa ee u babacdhiga mucaaradka hadduu meesha ka baxona dhinaciisa looga soo dhici karayo.

SNN correspondent Hargeysa Somaliland
Mohamed H. Joma (Rambo)
Rambo@somalilandnews.com

Posted at 01:22 pm by SNN reporter RAMBO
Make a comment

Wednesday, November 26, 2003
HAMADA BEENTA AH EE COL. C/LAAHI YUSUF.

Waxa Qoray Eng. Faisal Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID).
Maqaalkan waxaan u qoray in ummadda Soomaliyeed ee ku nool Geeska Afrika iyo inta wax ma garatada ah ee Xamar joogtaa ay ogaato cidda xumaysay Soomalinimadii iyo Cidda baabiisay himiladii Soomaliweyn iyo sidii loo khiyaameeyay dadkii reer Soomaliland ee qaarnimadoodii dhaafsaday midnimada oo ah sida ay xaqiiqadu tahay.

Waxa kale oo qoralalkan aan ugu sheegayaa siyaasiyiinta Majerteen inay ogaadaan in dadkan maanta jooga ee Soomaliyeed aanay ahayn kii 60kii, oo maanta aanay khiyaamayn karin xitaa Mawliid Macaane.
Waxaad moodaa in beyahan dambe intii u hanaqaday shirkan sannad jirka ah ee dalka Kenya , in Cabdillaahi Yuusuf uu isku dhigay madaxweynaha dowlada faderaalka ah ee ee Soomaliweyn- Somaliland iyo Somaliya. Cabdilalahi wuxuu uu muuqdaa nin ku guulaystay in uu soo celiyo dowladii lixdankii ee Governo Maxamuud Saleeman ee uu ku taamayay ilaa 1979 kii markii u ka dhicisoobay Afgembigii 9kii Apriil 1978kii iyo burburkii iyo isa soo dhiibkii jabhadii SSDF ee 1982. Cabdillahi wuxuu hoos u eegayaa macalimintiisii soo celin kariweyday dowladii Maxamuud Saleeban, kuwaas oo ah Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, marxuum Bardacad iyo Maxamed Abshir iyo yarkii firfircoona ee ka soo qalan jabiyay dugsigii Afweyne ee Daaroodaynta Soomaliya - Xassan Abshir.

Cabdillaahi Yuusuf hadda wuxuu isku haystaa qofkii isku dhararin laha madaxdii Adduunka ee caanka noqotay siiba qarniikii 20naad. Cabdillaahi wuxuu isku haystaa in uu iska dhigi karo General Diigool ama Marshaal Tito. Labadaa hoggaamiyaba wuxuu isleeyahay waxbaad la wadagtaa .

General Diigool waxuu ku guulaystay in uu sameeyo Jamhuuriyada 5aad ee Faransiska, halka uu Cabdillaahina is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad samayso Jamhuuriyadii 2aad ee Maxamuud Saleebaan.

Marshal Tito wuxuu ku guulaystay in u abuuro dawladii Fadaraalka ahayd ee Yuguslaafiya oo ka kobnayd 8-d qowmiyodood oo kala jaad jaad ah. Cabdillaahi waxuu is leeyahay waxaad ku guulaysatay in aad ka adkaatay qabqablayaasha dagaal ee Soomaliya is la markaan aad ku guulaysatay in aad burburiso dawlada Somliland.

Waxaynu eegi doonaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf, hawadan beenta ah iyo hamadan aan suurtagalka ahayn isku laab raaciyay.

Waxa lama huraan ah in aynu dib u raacno taariikhda siyaasadeed ee dalkii la odhan jiray Italy Somalia iyo Jamhuuriyadda Soomaliya ee 1960-1969. Waxaynu garan karnaa waxa ku kalifay in uu Cabdillaahi Yuusuf uu had iyo jeer u gashado kabo ka waaweyn, dhul aanu lahayna oo aanu xiitaa haysan awood uu ku qabsado uu mar kasta u sheegto sida Gobalada Mudug, Kismayo Sanaag iyo Sool markay noqoto arrimaha siyaasadeed ee Soomalida.

Dowladii gumaysika ee Talyaanigu markay qabsanaysay Koonfuurta Soomaliya waxay heshiis la gashay Boqortooyadii Majeerteenka ee Gobalkii Majerteeniya ee Jamhuuriyadda Soomaliya . Hishiiskaasi waxa ka mid ahaa in ay Majeerteenku gacan ka siiyaan Talyaaniga in ay gacanta ku dhigaan qabaaa’ilka Soomaliyeed ee kale, ka dhibna ay abaal marin u siin doonto awooda hoose ee hoggaanka dhulka.

Majeerteenku wuxuu gacan ka siiyay Talyaaniga sidii ay u qabsan lahayd qabaa’ilka Soomaalida. Talyaanigu markii uu ku guulaystay taladii iyo awoodii Soomaliya wuxuu Majeerteenka ugu abaal guday in uu ka dhiga Qabiilka ugu sareeya qabaa’ilka Soomaaliya isaga oo u dhiibay xilalka markaa ugu badnaa ee ay in ay Somalidu qabato.

Mar kaliya ayay Majeerteenku noqdeen awooda labaad ee Soomaliya Italy ee ku xigta dadka Talyaaniga. Mamulkii hoose ee Soomaliya ayaa gacanta u galay dadkii Majeerteen ee ka soo haajiray gobolka Majerteeniya ugu nolasha liitay dalka iyo gobalka mudug.

Hogaankii siyaasadeed ee Majeerteen waxuu ku guulaystay in uu gacanta ku dhigu maamulki talyaaniga ee Qaramadda Midoobay u igmadeen in ay Soomaliya gobanimo garsiiyaan muddo 10 sanadood ah. Waxa kale u ay gacanta ku dhigeen Wakiilki Q.M. kamaal-Diin oo aha nin Masriya. Kamaal-Diin waxay ka raarideen in ay ka soo jeedaan carab oo ay ka duwanyihiin Hawiye iyo dad kale ee Soomalida uu ka soo jeeda Bantuu.

U diyaar galowgii gobanimada 60ka , waxa Kamaal-Diin ka dhisay dhaaman tuulooyinka Majeerteeniya iyo Mudugta Majeerteenka Madarasado Af Carabi ah, waxaanu Xamar ka dhisay dugsigii sare ee Allaahiga, oo sida la wada ogayahay khaas uu aha dadka majeerteenka.

Dhinaca kalana Talyaanigu wuxuu ku caweeyay Majeerteenka in uu tuula kasta oo ay dagaan, amba ha ahaato gobalka Majeerteeniya amba ha ahaato Wagooyiga Mudug in ay ka degaan degmo si ay u yeeshaan xubno Baarlamaan marka dowladnimo la helo. Taliskii Talyaanigu waxuu u diyaariyay Majeerteenka in ay la wareegaan talada Soomaliya 1960.

Majeerteenku waxuu gacanta ku dhigay awooda dalka 70% tallada iyo hogaanka Booliska 80%. Waxay la wareegiin dhul beeraadkii iyo magaalada Kismaayo oo ay dhismaheeda yeesheen 90%. Waxa ay aad uga faa'idaysteen Baankii Credito De Somaliya oo ganacsatadoodu kaligood ay aamaahda ka heli jiriin.

Waxaa u fududaatay Majeerteenka in ay la wareegaan dhismayaashii iyo Beerihii asandooyinka ee shabiga Talyaangu iska ibinayeen markii xornimaddu soo dhawaaty. Mar kaliya ayey majeerteen isla heleen awood dhaqaale iyo awood xukun.

Waxay isticmaleen habkii gumaysiga ee ahaa (Qaybi oo Xukun). Waxay aad u kala qaybiyeen Beelaha Hawiye iyaga oo is aamin dara wayn ku kala dhex riday Beelaha Abgaal iyo Habar Gidir taas u ilaa maanta taagan.

Raxanweeynta iyagan qaar bay u sheegeen in ay ka soo jeedaan Daarood marka ay ku guulaysteen in ay hogaanka u hayaan sida Suube.

Markii 60kii la gaadhay, hogaankii siyaasaadda ee Majeerteen waxuu ahaa quwada kaliya ee isku duuban ee qorsha siyaasadeed oo danatooda ah lahaa. Waxay qorsheeyeen siidi ay awooda dalka gacanta ugu dhigi lahaayeen iyo sidii ayna uga bixi lahayn waligeed.

waxay qorasheeyeen kuna guulaysteen in maamulka dalka 50% ay qayb u qataan 50% kalaana in ay ka shaqeeyaan siidi ay wax u ga helilahaayeen.

Baarlamaankii konfuurta ee 60kii waxay degmooyinkii yar yaraa ee Talyaanko u qorshay in ay ku helaan kurasii u guyeen 33%. kuraasida guud ee Soomaliya oo ka kobnaa 60 markii danbana ay ka dhigeen 90 kursi. Kursiga xubin Baarlamaan ee majeerteen waxuu joogay 70-100 cod halka u kursiga dadka kale joogay 1000-2000 oo cod. Waxaa kale oo ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ciidanka Booliiska, markaa ma jirin ciidan mililatari oo konfuurtu amba Somaliya lahayd.

Hogaanka adag ee Majerteen waxay ka shaqayeen in dalku qaato habka dowladnimo ee dalka Talyaaniga oo ah habka (Parliamentary System), habkaas oo ay fulita dowladu leeday Madaxweyne maamuus iyo Raa'isal wasaare fulineed. Marka waxay qorshayeen siidi ay u qaadan lahayeen Raa'isal wasaaraha awood leh, waanay ku guulaysteen Waxay noqdeen Beesha kaliya ee leh aqlabiyad balaadhan ee baarlamaanka ah, Raa'isal wasaare iyo talladi ciidanka Booliiska, waa quwad aan la horjoogsan karin.

Markii Soomaaliland keentay fikradii isku darka labada dal, Majeerteen ma filayn in ay arintaasi suurtagal noqonayso, waxay arkayeen in Soomaliland la imaan doonto shuroodo kuwaas oo isbel ku keenidoon qorshahoodii iyo samigoodi awooda, marka waxay u diyaar ahaayeen in ay gaashanka ku dhuftaan isku darkii laba dal, mar hadduu wax yeelayo dantoodii Beelnimo.

Markii reer Soomaliland yidhahdeen midnimo bilaa shuuruud ah, majerteenka farxad iyo filanshawaa ayay ka noqotay. Siyaasiyiin reer konfuurid ah oo waxa jiray damiir leh oo danaynayay niyaad waanaga reer Soomaliland ee ku fakaray in si xaq ah loo qaybiyo awooda dalka mar haddii ay reer Soomaliland xilkii dusha ka saareen reer Soomaliya, oo soo jeediyay in wax loo qaybsaado siidi laba dal, oo uu midna qato madaxwynaha midna qaato RaaisaL wasaaraha dalka. Markiiba waxa ka howlgalay siyaasiyiintii majeerteen si aanay arintaasi u dhacdeen.

Iyaga oo isticmaalaya habkii guumaysiga ee (Qaybi oo Xukun) ayay hogaankii reer soomaliland oo marka ay hayso jibadii Somaliweyn( greater Somalia) oo aan qabiil maskaxda ku haynin ku bilaabeen in ay reer u kala saaraan, si ay meesha uga saaran figrada laba dal- Somaliya iyo Soomaliland oo ay ka dhigaan Qabaa'il ku soo biiray qabaa'iilkoodda kale , awood qaybsigana loo daayo siidii ay qabaa'ilka Soomaliya hore ugu qaybsadeen.

Hoggaanka reer Somaliland wax dan ah oo uga sokeeya danta soomaliweyn ma jirin, shacbigu aad ayay uga baqayeen haddii ay diidaan qaybta la siiyo. Khiyaamo Majeerteen ayay ku timid in dalkii Somaliland loola macamilo shakhsiyaad lana siiyo 3 saddex Wasiir iyo guddomiyaha Baarlamaanka-( Khiyaamadii qarnigii 20aad iyo Masiibadii reer Soomaliland dheh)

Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960-1969

Muddadii 1960- 1969, waxaynu odhan karnaa in ay ahayd wakhtigii dahabiga ahaa ee beesha Majeerteen (Golden Time), waana ta uu ku hamiyayo maanta Cabdillaahi Yuusuf in uu soo celiyo. Wakhtigaasi waa markii Majeerteen si rasmi ah u mulkiyeen awooddii Soomaliya iyo Somaliland. Waxay ku guulaysteen in xataa Madaxweynenimadii aan awooda distuuri aan lahayn ee lagu khiyameenayay beesha Hawiye ee magac u yaalka ahaa in aanu ka baxsan ee ay mariyeen in la doorto Aadan Cabdillaahi Xasan, oo ahaa nin la xidid ah oo qabay Taliyaha Ciidaanka Booliiska Gen. Maxamed Abshir Edadii. Sannadihii i 1960- 67, waxay lahaayeen Shan Wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boliiska iyo Raysal Wasaaraha. Sanbadihii 1967-69, waxay lahayeen 5 Wasiir oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Madaxweynaha.

Siyaasiinta Majeerteen waxay awoodeen in ay labadii Beelood ee gobalada Somaliland iyo Soomaliya ee lahaa labada Raysal Wasaare in ay khiyaameeyaan oo ay ku caameeyaan laba jago oo aan awood Dastuuri ah lahayn, kuwaas oo kala ahaa Madaxweyne iyo gudomiyaha Baarlamaanka.

Intaa waxa ka darnaa iyagaoo la soo baxay labada nin ee ay labadaa jago la rabeen. Waxaad odhan kartaa wakhtigaa wax qaan gaadh siyaasadeed lahaa ma jirin oo aan Majeerteen ahayn.
Beryahaa waxa soo baxay hadal badan oo sheegaya awoodaha qayral caadiga ah ee Majeerteen dadka Abgaalku wuxuu ku shirbiyay ( Marna Rashiid marna Risaaq, inta kale ma Rootibaa). waxay la yaabeen markii la badalay 1964 Raysal Wasaarihii Cabdirashiid , Majerteen Cisman Maxamuud ayaa la magacabay Cabdirisaaq Majeerteen Cumar Maxamuud.

Wakhtigaa maagaalada Kismaayo waxa loo bixiyey Alabaama state, iyada oo aan qof aan Majeerteen ahayni guri ka dhisan karin shaqana ka qabsan karin, Kismaayo awoodeeda 100% Majeerteen ayaa gacanta ku hayay ilaa uu Shire Suudi oo ahaa guddoomiyihii Jubadda Hoose xukunkii Siyaad Bare iyo Cascasay oo la dhashay Siyaad Barre ay ka xoreeyeen.

Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay kula baxday Governo Maxamuud Saleebaan. waxa mudan in aynu weedhan layaabka xanbaarsan darisno.
Maxamuud Saleebaan , waa laf ka soo jeeda reerka Majeerteen, waxay u gaybsamaan saddex jilib:

· Cisman Maxamuud
· Ciise Maxamuud
· Cumar Maxamuud.

Markaa waxa muuqata in weedhani ka turjimayso saamiiga saddexdan jilib oo aan midkoodna lahayn magaalo micno leh amba ay ku noolyihiin 1000 qof, marka laga reebo Cumar Maxamuudka oo dhinac ka daga GAalkacayo, oo u ahayd ta ugu dadka yar marka laga reebo Boosaasso siddeedii magaalo madax gobaleed ee Jamhuuriyaddii Soomaliya ka kobnayd intii ka horaysay taliskii Afweyne.

Markaa aynu eegno waxay ka heleen jagooyinka sarsare ee Jamhuuriyaddii Soomaliya waa sidan.
· Cissmaan Maxamuud- Raysal Wassaare iyo hal Wasiir 1960-64, iyo Xoghaye Guud ee xisbigii SYL oo awood buuxda lahaa 1967-69, Madaxweyne iyo Wasiirka arrimaha gudaha.
· Ciise Maxamuud - Waasiir, Taliyaha Booliiska , iyo Madaxweynaha oo seediigii ahaa.
· Cumaar Maxamuud iyana waxay heleen Raysal Wasaare iyo Wasiir

Majeerteenku kumay ekaan in ay hantiyaan dawladii iyo Baarlamaanka oo keliya ee waxay gacanta ku dhigeen xisbiyadii siyaasada, xisbigii SYL, oo markii danbe u xub siibtay hay’ad Majeerteen lahaa. waxay qabsadeen jagadii Xoghayihii Guud oo u dhigmaysay jagada Raysal Wasaaraha, Yaasiin Nuur Bide ayaa jagadaa hayay, marka waxay marayeen in aanay kuraasida Majeerteen ee baarlamaanku ku ekaan dhulka gaar ahaan ay u degaan ee ay awood u yeeshaan in ay ka soo baxaan gobalada Koonfuur oo dhan.

Waxa Yaasiin u suurto gashay in uu xubno Majeerteen ah ka soo sharaxo magalooyinka Jawhar, Xamar, Marka, Jilib, Kismayo iyo Xudun,oo inta badan ay ku guulaysteen.

Dhinaca kale xisbigii ugu adkaa xagga mucaaradka ee siyaasada bidixda raacsanaa SDU-( Calan Cas) oo taageero laxaad leh ka heli jirtay dawladihii Shuuciga waxay tala ahaan gacanta u galiyeen madaxna uga dhigeen Majerteenku Bardacad oo ahaa nin Majeerteenimadu ku gaamurtay hase ahaatee Soomaali u xidhay shaadh guduudan. Bardacad magac xisgiga SDU wuxuu sannadkii ku helii jiray deeq waxbarasho oo dalalkii shuuciga ahaa ay bixin jireen, deeqdaas oo dhammayd ilaa 300 oo arday, ha u badato dalkii Midawga Soofiyeti oo kaligii bixin jiray ilaa 120 arday. 300 ee arday boqolkii 80% waxay ahaayeen Majeerteen 20% kalena waxa ay ahaayeen waxay cagaha ku qataan sida Carabta Maxamuud Saalax , Dashiishe, Ortableh iyo Xer ama Layli kas.

Markaa waxa u suurtagashay Majeerteenka in ay wixi kuuraasi Baarlamaan ka soo baxa SDU-na ay gcanta ku dhigaan, taas oo marka lagu daro magaalooyinka kale ee konfuurta kuurasdii Baarlamanka ee Majeerteen kor u kaceen 25%, tusaale ahaan waxa suurtgal noqotay in Xamar ay ka soo baxaan dhinac SDU-da Bardacad iyo Cabdi Casiis Nuur Xersi, Ortable, oo ahaa shoodhe Majeerteen-na . Marka halkas ayay ka timi naanaystan GOVERNO MAXAMUUD Saleebaan.

Waxay siyaasiinta Majeerteen qorsheeyeen xitaa haddii uu mucaaradtku ka guulaystaan doraashooyinka in qofka Raysal Wasaaraha ahi noqdo qof Majeerteen ah. Mar qudha ayuu Majerteen noqday Qoyskii Soomaliya xukumayay ( The Ruling Family of Somalia).

Awoodaa badani dhibaato iyo nabcaansho fara badan ayay u keentay Beesha. Waa mar’e qabaa’ilkii Soomaliyeed oo dhan ayaa cadaawad u qaaday xitaa kuwii ay ku lahayeen dan Daarood baanu wadnaa, waa taa labaade iyago sii laxaad leh dhulkoodii kaga soo haajiray, dhul aanay lahayna degay oo ay maal gashadeen.

Dhibaatadadaasi waxay si xoog leh u dareemeen markii ay Hawiye ka saareen koonfuur sannadkii 1992 oo dhan, oo ay xitaa daafici kari waayeen magaalada kismaayo . Mahad waxa leh Siyaad Barre oo dabayaaqadii xukunkiisii u sameeyay Dekedda yar ee Tuulada Boosaaso.

Taariikhda Soomaliyeed lama sheegin meel ay dagaaladii qabaa’ilka ay Majeerteen guul ku keenin, hase ahaatee waxaad moodaa in ay siyaasadii Qarnigii 20aad ay Soomali kaga badiyeen in kasta oo ay cidhib iyo cawaaqib xun ku yeelatay.

Waxa isweydiin leh halkuu kaga jiray Col. Cabdillaahi Yuusuf, Sannadahaa Barwaaqada. Kornaylku wuxuu ahaa AMIIR ka tirsan ciidankii xoogga Soomaaliya, wuxuu ahaa hoggaamiye aan muran ku jirin isaga oo isku diyaarinaya hoggaanka siyaasada ee jiilka dambe, wuxuu qaabilsana waxbarashada saraakiisha xoogga dalka , halkaas oo boqolkiiba 50% uu ka dhigii jiray Majeerteen saraakiisha dibaada waxbaraashada u tagaysa. Arrintaas waxay wax ugu tartay markii u 1978-79 uu maleegayay afgambigii dhicisoobay iyo markii uu sameeyay Jabhadii la jabiyay ee SSDF Laakiin Kornayka iyo Siyaasiinta Majeerteen waxay garan waayeen in ay qortaan askar ka soo jeeda Beelaha ay kabaha ku qataan si ay u difaacaan dawladooda, sidii Siyaad Barre sameeyay.

Cabdillahi wuu ka awood badnaa Gen. Daa’uud waad iska garan karntaa kornayl yar oo qoyskoodu awoodda dalka haystaan inaanay cidna is hortaagi karin.

Markii Gen. Siyaad uu qabtay hoggaanka xoogii Soomaliyeed, waxay noqotay jagadaasi tii kaliya ee gacanta Majeerteen amba ciyaal Majeerteen ka maqnayd dalka oo dhan, ka bacdi Majeerteen waxaynu odhan karnaa waxay si buuxda u mulkiyeen awoodihii Baarlamaanka, Xukuumada, Asxaabta , Booliiska iyo xooga dalka. Waagaa lama maqli jirin Beelaha Daroodka ee Konfurtii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Beesha Ogaadeena, Majerteen waxay ka raarideen dadka in ay dhammantood degaan Itoobiyana ay qaxooti ku yihiin.

Tuulada Afmadow ee jubada hoos ayay u ogaladeen.
Cabdillahi kama haybadaysan jirin Gen. Siyaad oo markaa ay tol la'aaani haysatay oo Majerteen magan u ahaa. Waagaa marka la waydiiyo qof Majeerteen ah haybta Siyaad Barre waxay ku Jawabi jireen " Waa Ciyaalo Majeerteen" Hoggaanka siyaassada ee Majerteen kumay guulaysan khiyaamaynta iyo boobkii taladii dawaladii J. Soomaliya ee sanaadadii 1960kii ee waxay sii fiicaan ugu guulaysteen been ka sheega taariikhda Soomalida, sida ay dhulka u kala degaan iyo tirada Beelaha Soomaalida. Haddii aad akhrisatid Buugaagta J. Somalia laga qoray waxaad arkaysa in ay been majerteen iyo Afweyne ka buuxaan.

Cabdillaahi Yusuf wuxuu qabaa in ay Soomalida ku nool dalkii J.Soomaliya ay u qaybsanto Darood iyo IRIR, Daaroodna ka kooban yahay Majeerteen iyo in yar oo soo raacda, sidaa awgeed ay lama huraantahay in majeerteen yeesho 40% markay timaado awood qaybsi Soomaliyeed.

Afganbigii Siyaad Barre ee 1969 , waxuu ahaa inqillaab Daarood. Markii la arkay sida Majerteen awoodii dalka ay u boobeen iyaga oo afka ka leh waa qaybtii Daarood.
Markii la arkay Beelihi Soomaliyeed ee kale oo aad isugu abaabulay, sidii samayntii Xisbigi SNC iyo kalmada IRIR oo israaciisay beelaha Isaaq, Ciisa , Gadabuursi, Hawiye iyo Dir oo dhan dadka Soomaliyeed ee J.somaliya 80%. Markii la arkay in jagadi dalka ugu awooda badnayd gacanta u gashay reer Somaliland .

Cabdillahi Yusuf iyo Afganbigi 1969.

Ayaa Siyaad ku fakaray in afganbi la saameeyo, si loo sii wado xukunka Darood ee Soomaliya oo ay khatar galinayso hunguri weynaanta awoodeed iyo xirfad xumida siyaasadeed ee Majeerteen. Siyaad barre wuxu isticmaalay saraakiil badan oo Soomaliyeed oo dhallinaryo ah.

Maslan markuu qoranayay saraakiishii Isaaq oo door weyn ka qaadatay afganbigi siyaad, wuxuu odhanjiray," waa in aynu dalka ka badbaadina musuqmaasuq iyo qabyaalada." Markuu Saraakiisha reer konfurta la hadlayaana waxuu odhan jiray" sidee waaye awoodii dalku- Raysal Wasaaruhu waxay gacanta u gashay reer Waqooyi". Marka uu la hadlayo saraakiisha Daroodka ayuu sheegi jiray runta, waxaanu odhan jiray" awoodii dalku gacanta majerteen way ka sii baxaysaa , waayo majerteen Daroodna wax uma ogola, Isna kaligii ma hayn karo".

Col. Cabdillhi yusuf, waxuuu ahaa saraakiishii majeerteen ee ugu horayntii loo soo bandhigay. Waxa loo mariyay arintaa saraakiil Harti ah. waxa la sheegay in ay saraakiishaasi ay Kornelka ku casumeen Baar lambar konto (no.50) , oo ku yaalay wadada u dhaxaysa Afgoye iyo Marka.

Waxaa la sheegay markay u soo bandhigeen in ay haboontahay in ay sameeyaan afganbi Darood sii loo soo eiliyo awoodii dawalada oo hadda gacanta u gashay isaaq, danihi Daroodna ay khatar ku jiraan. Cabdillhi waxuu waydiistay saraakiishii in ay siiyaan saddex malmood in uu arinta kaga soo fakaro. Waxaa la sheegay in saddexdii malmood ka bacdi ay isla meeshi ku kulmeen, Cabdillhai waxuu yidhi" Markan eegay sida tolkay yahay maanta iyo sida u noqonayo afganbiga ka bacdii, waxaan door biday siida u maanta yahay".

Cabdillahi siidas ayu afgnbigi Darood u diiday, isaga oo u muujiyay in aanu wax Darood ah danaynayn. Sidaas ayaana loogu badalay gobalada Wagooyi, markii afganibigi guulaystayna loo xidhay. Sida ayuu afganibigi u noqay, Kacaan : Mareexaan, ogadeen iyo Dhulbahanti,( M.O.D.) bilaa majerteen.

Cabdillahi yusuf waxuu forsadiisi uriyay markii dagalkii J.S. Soomaliya iyo Itoobia sannadkii 1977, markaas oo Cabdillahi u dhowr sano maareeye ka ahaa wakalad, markii xabsiga laga sii daayay, ayaa dagaaladii loogu yeedhay isaga iyo wax alaale iyo waxii militari ah ee shaqo raa'yid hayay , sida Xasan Kayd, Caydiid , Cawil, Cabdillahi waxaa taliye looga dhigay qaybta dagaalka ee SIDAAMO, IYO BAALI., waxuu gacant ku dhigay ciidankii qaybti 60aad ee gobalka Bay iyo dhoor gaas u fadhiyay gobalda Gedo iyo Xudun iyo ciidamo badan iyo sannad laga kaxiiyay gobalka Banaadir.

Dhinaca Waqooyina waxa taliyaha dagaalka laga dhigay Kornel Cirro. Markaa si yar ayay awoodii xooga dalku gacanta u gashay Majerteen, laakiin dadku waxuu ku jeeday dagaalka iyo xoreynta Soomali galbeed , taas oo ahayd fursad kale oo soo martay, tiiyo markaa Itoobiya dhexdooda ay ka socotay dagal sokeeye.

Cabdillahi iyo Cirro, waxay ka shaqeeyeen in dagaalka Soomaliya lagu jabiyo, intaan xitaa Ruushka iyo xulafadoodo aanay gacanta siinin Itoobia. Cirro waxuu bilaabay in uu curyaamiyo dagalka, isaga oo marka la soo weydiisto Nafto diri jiray Bensiin, marka rassaas la weydiistan diri jiray mid qalad ah. Dhinaca kalana Cabdillahi wax dagaal ah ma qaadin, ujeedaasina waxay ahayd nabad ilaa markii dagaalkii dhamanayay.

Labada kornel waxay qorsheeyeen sidii Soomaali dagalkan ugu jabi lahayd ka bacadina dadka iyo ciidamada oo cadhaysan ay afgani Majerteen u sameen lahaayeen.

Cirro waxuu sameeyey wax alaale iyo wixii uu is yidhi ciidaamado ha ka gadoodeen. Markuu Sabataajkii dhamayay ayuu bilaabay inuu laayo saraakiil iyo ciidamo ka badan 200 oo saraakil xigeena ahaa. Taariikhdaa taas markhaati iiga ah, haddaanad warkeeda haynin bal adiguba dabagal ku samee.

Cabdillahi waxuu sii ficaan fursad ugu helay markii Soomalida laga soo saaray Itoobia, ee ciidamadii oo dhan la fadhiisiyay soohdinta. Markaas magaalooyinka oo dhan ciidama ma joogaan, oo xitaa Xamar waxay ahayd baylah.

Sidii lagu yaqaanay Cabdillahi Iyo Ciro , afganbigii waxay ku koobeen majeerteen, markaas ayey dadka kuwaali jireen shookooyin iyo naxdintii guuldaradii dagaalka iyo jabkii lama filaanka aha ee Soomaliya, 9kii April 1978 ayay afganbigi ka dhucisoobay ku kaceen.

Markii u ka fashilmay Xamar waxaa la ga baqaayay inuu Cabdillahi soo dhaqaajo ciidamadiisii fadhiyay gobalka Gedo. Markaa Baydhabana way madhneyd Xamarna cidla ayay ahayd. 10 malmood ayuu hal madfac oo kaliya oo yaalay Xamar kantaroolka loga baxo Xamar- Afgoye.

Taageerayasha afganbiguna ay naawilayeen oo ay lahaayeen Cabdillahi Buur Xakaba ayuu oo socdaa. Waxaa noqotay wax la qaadan waayay in Cabdillahi yuusuf ka cararay wixii oo ciidan ahaa, markuu ka war helay Inqilaabkii wuu dhicisoobay. Cabdillahi ma dagaal galin ciidamadiisa, qorshahaa sarakiisha majerteen ayaa ahaa in la burburiyo ciidamada waqooyiga , ciidamadda Cabdillahina ay qabtaan Xamar.

Markuu Cabdillahi helay telegraamka waxa la yidhi waxuu la joogay ciidamad Geedweyn ee Luuq iyo Doolow u dhexeeya. Waxa la yidhi kalmad ma uu odhan ee intuu gadhigiisii ku dhacay ayuu xadka Ethiopia ka talaabay oo uu Axmaaro isku dhiibay. Waxa la isku raacay Wakhtigaas inuu Cabdillahi si hawl yar uu xamar u qabsan lahaa, maadaama aanay wax ciidani joogin Xamar. Halkaa waxa laga qiyaasi karaa isku halyn la'aanta Cabdillahi Yuusuf iyo awoodiisa Hogaaminta Ciidan dagaalba.

Cabdillahi Yusuf iyo SSDF.

Cabdillahi wuxuu u abuuray SSDF in ay Soomaali ka daba timaado, si uu dalka ugu qabsado markaana uu ka sameeyo dawlad Maxamuud Saleiman oo aan ku dhi

Posted at 08:24 am by axaadle